spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Shil Naxtin leh oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
Array

{DAAWO SAWIRADA} Shil Naxtin leh oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa Maanta Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ka dhacay shil naxtin leh oo sababay geeri iyo dhaawac, kadib markii gaari iska rogaha uu jidka ka baxay sidaasna uu shil ku galay.

Gaariga shilka galay ayaa la sheegay in uu wadada ka baxay kadibna dadkii saarnaa ay ku dhaceen ceel kuyaalay dhismo goobta ka agdhawaa, waxaana mar qura halkaasi ka dhacay naxtin iyo anfariir kadib markii ragii gaariga saarnaa ay ceelka ku daateen.

Sadax qof oo saarnaa gaariga iska rogaha ee shilka galay ayaa ku dhacay ceel biyood ku yaalay halka uu shilku ka dhacay, waxaana gurmad dheer kadib lagu guuleestay in ceel biyoodka laga soo saaro labo kamid ah dadkii ceelka ku dhacay iyaga oo nool.

Mid kamid ah ragii Ceelka ku dhacay ayaa dhintay halka labada kale ee la bad baadiyayna dhaawcayo soo gaareen, waxaana gurmad badan dadkaasi u fidiyay dad shacab ah iy masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Banaadir.

Shilkan maanta ka dhacay Degmada Kaaraan ayaa wax badan ka duwanaa shilalkii hore, waxaana dad badan argagax ku riday markii ragii shilka galay ay mar kale ceel biyood ku dhaceen iyaga oo dhawacayo qaba.






 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular