spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Sida Manta Loga Ciiday Magaalooyinka Maamulka Puntland
Array

{DAAWO SAWIRADA} Sida Manta Loga Ciiday Magaalooyinka Maamulka Puntland

Dadweyne kor u Dhaafaya Boqollaal Ruux ayaa maanta isugu soo baxay goobaha lagu damaashaado ee ku yaala Boosaaso si ay uga qayb-galaan munaasabadda Ciiddul-Adxaha oo maalmihii la soo dhaafay diyaar-garowgeedu uu ka socday guud ahaan Puntland.

Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ayaa dadweynaha kala qayb-galay munaasabadda ciidda,iyadoo salaaddii Ciidda ee maanta lagu tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalada Bosaaso.

“Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan umadda Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa gobolka Bari, waad la socotaan in amniga wax badan laga qabtay “ ayuu yiri gudoomiiyaha gobolka Bari oo la hadlay dadweynahii garoonka yimid.

“Dadweynaha waxaa laga doonayaa in ay la shaqeeyaan ciidanka amniga ee sugaya amniga goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee magaaladan“ ayuu mar kale yiri Dhado oo tilmaamay in ciidanka boolisku ay ka hortageen tahriibin badan maalmihi la soo dhaafay.

Qaar kamid ah culumaa;idiinka Puntland oo hadalo ka jeediyay munaasbaddan ayaa ugu baaqay dadweynaha Bosaaso in ay caawiyaan masaakiinta aan awoodin in ay ciidaan ,xilli magaalada Bosaaso ay ku sugan-yihiin boqoaal qof oo ka soo barakacay colaadaha Yemen.

“Maanta aad ayaan u faraxsanahay ,waayo waxaan la ciidayaa hooyadey iyo walaalaheey “ ayey tiri Aniso Maxamed oo iyada iyo qoyskeedu ay ka soo safreen magaalada Qardho si ay Bosaaso ugu ciidaan.

Ugu danbayn, waxaa si lamid ah maanta looga ciiday magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo waliba Qardho ,iyadoo la arkayay dadweyne tiro badan oo isugu soo baxay magaalooyinkaas si ay uga qayb-qataan munaasabaddan, mana jirin wax khilaaf ah oo ciidan ka dhashay.

sida loga ciiday Deganada Puntland (1) sida loga ciiday Deganada Puntland (2) sida loga ciiday Deganada Puntland (3) sida loga ciiday Deganada Puntland (4) sida loga ciiday Deganada Puntland (5) sida loga ciiday Deganada Puntland (6) sida loga ciiday Deganada Puntland (7) sida loga ciiday Deganada Puntland (8) sida loga ciiday Deganada Puntland (11)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular