Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Comanda Boliisiya waxaa lagu qabtay munaasabad kooban oo lagu xasuusanayay sidoo kale lagu dalacsiinayay Marxuum Daahir Maxamuud Gurxan oo Geeriyooday xili uu daafacayay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya 24-kii ApriI 2014-ka xiligaa oo rag katirsan Al-Shabaab Weerar Ismiidaamin ah ku qaadeen Xarunta Baarlamaanka.
Munaasabada lagu xasuusanayay sidoo kalana lagu dalacsiinayay askrigan Geeriyooday waxaa goob joog ka ahaa Xubno kamid ah Eheladiisa, Saraakiil katirsan Ciidanka Dowlada ,Xildhibaano iyo Ciidamo badan oo katirsan booliiska Soomaaliya.
.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ku dhawaaqay in labo darajo la dalacsiiyay Marxuun Daahir Maxamuud Gurxan oo ahaa Geesi u geeriyooday Difaaca Dalkiisa waxa uuna Marxuunka Darajdiisa hada noqotay Gaashaanle Dhaxe.
Waxaa sidoo kale Guuto kamid ah Ciidamada booliiska Soomaaliya dhawaan tababar kusoo qaatay Dalka Jabuuti loogu magac daray Magaca askarigan Geesinimada Muujiyay una geeriyooday sidii uu u difaaci lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya.