Taliska ciidamada AMISOM ee gobolka hiiraan ayaa ka hadlay sababaha keenay in dib aay uga baxaan deegaanka halgan ee gobolka hiiraan waxana ay arintaasi ku tilmaameen in ciidamada howlgalka qaaday aaney aheyn ciidamada amisoom ka tirsan am ka amarqaata
Howlgalkaas oo lagula wareegay deegaano badan oo aay Al shabaab horay ugu talin jireen sida deeganada bar dheere nuur fanax halgan booco buq aqable buq goosaar ceel cali iyo deegaano kale oo holgalkaasi al shabaab looga saaray balse aay dib uga soo baxeen ciidamadii lawareegay dhamaan deeganadaasi sida uu tilmaamay taliyaha segtarka afaraad ee amisom col cabdoow oo la hadlay warbaahinta hiiraan weyn ee magalada beledweyne waxana uu sheegay in adis ababa laga xakumo ciidamadaasi oo aaney amisom ka tirsaneyn tagitaanka halgane aay amisom go aankeeda aheyn
Col cabdoow ayaa waxa uu sheegay in halgan aay dagayaan ciidamada amisom maalmaha soosocda aayna qasabtahay in lafuro wada laamiga aayna furayaan ciidamada xoga dalka oo kaashanaya kuwa amisom ujeedkoodana uu yahay in aay nabad ku noolaadaan shacabka reer Hiiraan
Kabixitaanka ciidamada deegaanadii ay horay uga saareen al shabaab ayaa cabsi badan ku abuurtay shacabka deeganadaasi oo qaarkood ka barakacay guryahooda iyagoo ka baqaya in al shabaab aay ku eedeeyaan la shaqeeynta ciidamada horay u qabsaday
Sawir Qaade Cabdi Wali Xuseen Tawakal
Radio Hiiraanweyn Baladweyne