spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA}'' Tareeno ku shaqeenaya Koronto oo markii ugu horeesay ka howl...
Array

{DAAWO SAWIRADA}” Tareeno ku shaqeenaya Koronto oo markii ugu horeesay ka howl bilaabay Magaalada Adis Ababa

Waxaa si rasmi ah xariga looga jaray Khad tareen oo ku shaqeenaya Koronto kaa oo ka dhax shaqeenaya gudaha Magaalada Adis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya , waxaana ku baxday khadkan tareen lacag garaeysa 470 milyan oo doolar.

Tareenadan ayaa Magaalada Adis Ababa gudaheeda ka dhax shaqeyn doona 16-saacadood, waxa ayna saacadiiba qaadi doonaan tareenada dad gaaraya 60-kun oo rakaab, waxa ayna tareenadan sida qorshihu yahay maalintii ay adeeg siin doonaan hal milyan oo ruux.

Waxa ay isugu jiraan tareenadan ka shaqeyn doona Gudaha Magaalada Adis Ababa Cadaan iyo Cagaar , waxaana macaamiisha racaeysa ay bixin doonaan lacag aad u yar oo ka yar Nus Dollar sida ay Dowladu shaacisay.

Mashruucani tareenada ee laga hirgaliyay Magaalada Adis Abab waxa uu astaan u yahay raadka dhaqaale ee Shiinuhu ku leeyahay Afrika, Khadkan waxaa dhisay Injineero Shiinays ah waxaana intiisa badan maalgaliyay bangiga Shiinaha ee loo yaqaano Export Import Bank of China.






MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular