spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Tartankii Kubada Cagta Ee Lagu Taageerayay Shira Dib U...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Tartankii Kubada Cagta Ee Lagu Taageerayay Shira Dib U heshiisiinta B,weyne Ka socday Oo La sogabagabeyay

Tartanka kubada cagta ee ka socdo magalada baladweyne ee Gobolka hiiraan islamarkana lagu Taageeraayo shirka dib u heshiisiinta iyo aayo katalinta Gobolka ayaa Manta Lacayaray finaalki uguu danbeyay.

Tartankan  ay soo qaban qaabiyeen ururka dhalinyarada gobolka hiiraan,iyo ururka dhalinyarada ee gargaar ee kadhisan dhamaan wadamada yurub,iyo ururka somali youth change oo kadhisan wadanka Denmark.Waxana koobkaan  lagu taageeraayayay shirka dib uheshiisiinta iyo aaya katalinta Gobolka Hiiraan.

ciyaarta manta oo aay isugu yimadeeyn labo kooxood oo kala matalaysay xafadaha xaawo taako iyo bundaweeyn ee magalada beledweeyne ee xaruunta gobalka hiiraan.

Kulanka manta oo aad uga duwana kulamaddi hore madama ciyaartu aay ahayd mid finaal ah oo koox waliba aay ku tameysay in aay guusha koobka hanato ayaa labada kooxood ciyaartoytoda waxaa soo bandhigeeyn ciyaar aad uu xiiso badneyd.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay bar baro 1 iyo 1 ah waxana isu soo labadki ciyaarta koox waliba aay sameynayeeyn weraaro aad culus sii koox waliba aay uu keynsato golo badan sii aay uu guleystaan

Daqiqadahi ciyaarta loogu tala galay ayaa waxaa aay kuso idladeeyn bar baro 1 iyo 1 ah waxana lasameyay gool ku lad labada kooxood ayaa iska soo saray min shan ciyaartoy sii ciyar yahan kasto uu urito darbada gool ku ladka ah dhamaan shanta darbo waxaa aay noqdeyn kuwo isku mid ah uguu danbeyn waxaa guusha koobka sidaas ku qaday kooxdi ku ciyaraysay xafada bundaweeyn ee magalada beledweeyne.

Mar quura ayaa waxaa isbadalay jawigi garoonka iyaddo sawaxanka iyo qeylada garoonka mar quura is gil gishay marki aay guleysteeyn ciyaryahanaddi kasocotay xafada bundaweeyn.

Marki aay sidaasi kuso idlatay guushi koobka ayaa waxaa gudaha garoonka lagu qabtay munasabad koobaan oo abal marino kala duuwaan lagu gudoon sinayay kooxihi wadda ciyaray.

Uguu horeeyn ayaa waxaa halkaasi shahado sharaf lagu gudoonsiyay madaxa idacada hiranweyn ee magalada beledweeyne mudane maxamed cismaan makaraan iyaddo shahadadaas aay gudoon siyeeyn uruurka dhalinyarada ee gobalka hiiraan kalinti aay idacada hiranweyn ka qadatay inti uu socday tartanka koobka oo idacada aay kalin weeyn ka qadatay bahintisa.

Inta kadib waxaa abal marino isugu jiray malyaddo iyo lacag lagu doon siyay kooxddi ku ciyaraysay xafada xaawo taako ee iyadu soo gashay kalinta labaad inti uu tartanku socday.

Ugu danbeyna waxaa iyana funanado iyo koob lagu doonsiyay kooxdi matalaysay xafada bundaweeyn waxana gudoonsiyay gudoomiyaha olonbikada gobalka hiiraan cabdi karin xasan cabduulle khalaad.

Guud ahaan tartanki ayaa sidaas kuso idladay iyado tartankan aay soo qaban qabiyeeyn uruurka dhalinyarada ee gobalka hiiraan iyo qurbo joogta reer hiiraan ee ku nool dafaha calaamka waxana sii weeyn loogu tagerayay shirka dib uu heshisiinta iyo aayo ka talinta gobalka hiiraan.

Sawirada Tartanka (13) Sawirada Tartanka (12) Sawirada Tartanka (11) Sawirada Tartanka (10) Sawirada Tartanka (9) Sawirada Tartanka (8) Sawirada Tartanka (7) Sawirada Tartanka (6) Sawirada Tartanka (5) Sawirada Tartanka (4) Sawirada Tartanka (3) Sawirada Tartanka (2) Sawirada Tartanka (1)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular