spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya oo gaaray johannesburg South...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya oo gaaray johannesburg South Africa”

Wasiirka Arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo soo gaaray magalada johannesburg ee dalka South Africa”

Wasiir hadliye ayaa ka qeyb gali doono Shir madaxeedka 42 aad ee Ururka Midowga Afrika oo sanadkan lagu qabanayo koonfur afrika.

Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar,Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo Saxaafadda kula hadlay hoowlka lagu nasto ee Garoonka ayaa sheegay marka laga tago Shirka guud ee Wasiiradaha Arimaha Dibadda ee Afrika inuu la kulmi doono Dhigiisa Dalkan si ay ugu wada hadlaan arimo muhiim u ah labada Dal Soomaaliya iyo K/Afrika oo xiriirkooda wanaagsanyahay,waxa uu yiri”

“Waxaan salaam weyn u diraya Jaaliyadda joogta South Africa mana moogin dhibaatada ay ku wada suganyihiin,waxaan rabnaa inaan dadka Soomaalida la kulano ka tacsiyayno dadkii dhintay Dowladda South Afrika kala hadalno dhibaatada Soomaalida loo geystay waxaa muhiim ah in la ogaado dadka Soomaalida inayna dad halkaan u soo shaqo tagay laakin ay yihiin dad dhaqaalaha wax ku kordhinaaya oo lacagtooda galinaya Wadanka South Afrika.

Shirkan ayaa gogol xaar u ah Shir todobaadkan lagu qabanayo Magaalada Johanseburg oo ay kasoo qeybgali doonaan Madaxweynaayasha Dalalka Afrika iyadoo la filayo in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu qeyb ka noqdo Madaxdaasi.

wasiirka arimaha dibada soomaaliya  (1)wasiirka arimaha dibada soomaaliya  (2)Wasiirka arimaha dibada somaliya  (3)wasiirka arimaha dibada soomaaliya  (1)wasiirka arimaha dibada soomaaliya  (2)

 

Caydaruush Cabdi Xasan 

Radio Hiranweyn  johannesburg  South Africa

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular