spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Difaaca DFS oo kulan su’aalo weydiin ah la qaatay...
Array

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Difaaca DFS oo kulan su’aalo weydiin ah la qaatay Gudiga Difaaca Baarlamaanka

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta hortagay guddiga difaaca Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay su’aalo ka waydiiyeen Qaabka u shaqayso Wasaaradda iyo Xuquuqda Ciidamada Qaranka, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. Daahir Aaden Cilmi.

Su’aalaha la Weeydiiyay Wasiirka Difaaca ayaa u badnaa xuquuqda ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka ay Wasaaradda Gaashaandhigu Marsiinayso dib u dhiska iyo hormarinta Ciidammada Xoogga, iyadoo Wasiirku guddiga Difaaca uga jawaabay su’aalahaas oo dhan.

Guddoomiyaha Gudiga Difaaca Baarlamaanka Somalia, Xil. Xuseen Carab Ciise oo markii uu kulankaas lasoo gunaanaday la hadlay saxaafadda ayaa xusay in kulanka oo qaatay saacado badan ay guddiga difaaca baarlamaanka ku weeydiiyeen su’aalo badan Wasiirka Gaashaandhigga, kuwaasoo quseeyay arrimaha Difaaca.

Ugu dambeyn, Wasiirka Difaaca Somalia oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in su’aalihii ay weydiiyeen Guddiga Gaashaandhigga Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu horreysay xuquuqda Ciidamad Xoogga Dalka, dib u dhiska ciidanka iyo sidoo kale dhameystirka howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

 

su aalo la iska weydiyay gasha dhiga  (1) su aalo la iska weydiyay gasha dhiga  (2) su aalo la iska weydiyay gasha dhiga  (3) su aalo la iska weydiyay gasha dhiga  (4) su aalo la iska weydiyay gasha dhiga  (5)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular