spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Weerarkii niyukiliyarka Heroshima Ee Wadanka Jaban oo la xusay
Array

{DAAWO SAWIRADA} Weerarkii niyukiliyarka Heroshima Ee Wadanka Jaban oo la xusay

Magaalada Heroshima ee dalka waxaa la xusayaa 70 sano guuradii ka soo wareegtay markii lagu soo riday hubkii ugu horrey ee niyukiliyar ah, kaas oo ay ku dhinteen 140,000 oo ruux.

Guud ahaan dadka kunool dalka Japan ayaa aamusay muddo hal daqiiqa ah si ay u xusaan weerarkaasi.

Magaaladaasi Hiroshima laf ahaanteeda ayaa abaare 8:15 daqiiqo xilliga dalkaas waxaa la gaaracay gambaleel, xilligaasi oo ku beegan markii 6-dii bishii Agoosto ee 1945-tii ay diyaarad dagaal oo uu Mareykanka leeyahay ay bam ku dhufutay gudaha magaaladaasi, kaasi oo gubay bartamaha magaalada.

Ugu yaaraan 70 kun oo qof ayaa durbadiiba ku dhimatay weerarkaasi, halka tira intaa la mid ah ay markii dambe u dhinteen shucaaca sunta ah ee ka dhashay bamkaasi.

Khudbad uu jeediyay, Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa waxa uu ku sheegay in magaaladaasi Hiroshima ay ka soo kabsatay dhibaatadii gaartay:

Ra'iisalwasaaraha Japan Shinzo Abe Heroshima

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular