Xafladii So Dhaweeynta Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mahamoud, Ay U Sameyeen Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Dalka Koonfur Afrika
Degaanka midran ee magalada johannesburg ee dalka koonfur afrika xalay waxa lagu qabtay munaasabad aad u weyn oo lagu so dhaweynayo madaxweynaha jamhuriyada soomaaliya xasan sheikh maxamud taasi oo ay ka qeyb galeen boqolaal dadweyne ah,
Madaxweyne xasan sheikh ayaa jeediyay khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabaneysa Waxan khudbadisa kamid aheyd Qatarta al shabaab dalka ku hayso sida lo wiiqay awododa..doorashada 2016..dhibaatada haysata soomaalida koonfur Africa iyo ariimo kale oo badan.
Madaxweyne xasan sheikh oo koonfur afrika u yimid ka qeyb galka shirka midowga afrika waxaana safirkiisa ku weheliyay masuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya