Xildhibaan Muslim ah oo katirsan Baarlamaanka Dalka Hindia ayaa lagu dhax garcaay xarunta Baarlamaanka Dalkaasi, kadib markii lagu eedeeyay Xildhibaankan in uu cunay Hilib lo’aad.
Mudanayaal katirsan xisbiga Hindu Natinalist Party ayaa gudaha Baarlamaanka ku dhax garaacay Xildhibaan Muslim ah oo lagu magacaabo Rashid Ahmed , ay ku eedeeyeen in uu cunay hilibka lo’da oo ay caabudaan dadka Hinduuga.
Xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka Dalka Hindia ayaa usoo gurmaday Xildhibaanka Muslimka ah ay weerarka ku qaadeen Xildhibaanada Hinduuga, waxaana xarunta Baarlamaanka ka dhacay gacan ka hadal iyo rabsho daqiiqado socotay.
Dhawaan ayey aheed markii Kooxo Hinduu ah oo careesan ay Duleedka Magaalada New Delhi si xun ugu dileen Nin Muslim ah ay isna ku eedeeyeen in uu cunay hilibka lo’da, waxaana dalka Hindia mamnuuc ka ah in la cuno Hilibka Lo’a maadaama ay jiraan dad diin ahaan u caabuda.