spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA} Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Shirweyne Wadatashi ahi uga Furay Hargeysa
Array

{DAAWO SAWIRADA} Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Shirweyne Wadatashi ahi uga Furay Hargeysa

Labada Xisbi Mucaarad ee Somaliland ayaa Shirkoodii uu uga furmay Maanta Hotel Dalxiis ee Hargeysa, kaasoo ay ka Qayb-galeen Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka iyo madasha Wadatashiga Somaliland.

Shirkan ayaa loo bixiyay shirka wadajirka ah ee labada xisbi ee lagu qiimaynayo Xaaladda Somaliland, iyadoo ay Goob-joogay ka ahaa ergooyin ka kala socda Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland.

Shir-gudoonka waxa loo doortay Musharraxa Madaxweyne ku Xxigeenka Xisbiga UCID C/rashiid Xasan Mataan, Wuxuuna Sheegay in ajandaha Shirku noqon doonno Xaaladda Waddanku marayo iyo sidii looga gudbi lahaa, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Waxaa Lagaga hadli doonaa Sixir bararka, waxaa lagaga hadli doonaa Qiimaynta sharciga dalka, waxaa lagaga hadli doonaa hogaan la’aanta, waxaa lagaga hadli gadoonka siyaasadeed iyo qaddiyadda Somaliland, waxaa lagaga hadli xaaladda amniga, waxaa kale oo lagaga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka,”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ayaa furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka laga filayo talooyin wax ku ool ah oo wax lagaga qabto arrimaha dalka, islamarkaana aanu noqon doonin mid cidna lagu bartilmaameedsanayo.

“Arrimaha ugu waaweyn ee ina haysta waxaa ka mid ah Haykalkii dawladnimo ayaa inaga baaba’ay. Waxaa inaga baaba’ay hay’addihii dawladnimada. Waxay ku baaba’een wakhtigoodii oo ay dhaafeen, Wakiillada markii saddexaad baa loo kordhinayaa, guurtidu 20 sannadood bay fadhidaa, xukumaddiina hadda ayay ka dhammaanaysaa”ayuu yidhi gudomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe.

Waxaanu intaas ku daray“Kulankeenan waa inaynu kaga hadalno waxyaabaha xundhurta ah ee inaga khaldan. Waa in laga hadlaa Dastuurka oo dib loo eego, waa in laga hadlaa guurti ma u baahannahay, waa in laga hadlaa Wakiilada, waa in laga hadlaa Salaadiintan Siyaasiyiinta noqday, waa in laga hadlo xukuumadda iyo xisbiyada oo bilaa nidaam ah oo la iska wada garab hadlayo, waa in Nidaamka laga hadlo umad bilaa nidaam ahi dal ma dhisi karto, waad aragtaan dawladihii hoose ayaa baaba’a ah oo aynaan biyo iyo laami midna haysan.”

Guddoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro oo isna ka hadlayey ujeedadda shirkan waxa uu yidhi “shirka inaynu qabanno oo talo is waydiino waxaa kallifay kadib markii heshiiskii Asxaabta iyo xukumadda ee shacbigu ku farxay ee soo afjaray khilaafkii muddo kordhinta xukuumaddu ka baxday, kadib markii xukuumadda Somaliland ku fashilantay inay taariikhdii ku qabato doorashooyinka, kuwaas oo bedeli lahaa hay’addaha dastuuriga ah ee Somaliland, hadday tahay baarlamaan iyo hadday tahay madaxweyne ba, kadib markay u muuqatay inaanay xukumaddu rabin inay doorasho qabato, taas oo khatar galin karta nidaamka geedi socodka Somaliland, kadib markii ay u muuqatay in dalkani ku jiro marxalad adag oo u baahan talooyinkii lagaga bixi lahaa.”

Si kasta ha ahaatee, maxkamadda sare ee Somaliland oo ka garnaqday khilaaf ka dhashay Shirweynihii Qaran ee Xisbiyadu Qabanayeen ayaa Magacii hore u bedeleen inay kaga hadlaan Shirka xaaladda Wadanka, ka dib markii laga diiday inay qabsadaan shirweyne aayo ka talin oo ay hore u shaaciyeen inay qabtaan, waxaanay sheegeen inay ixtiraamayaan go’aanka maxkamadda sare.

Ugu dambeyn, Maxkamada Sare ayaa u fasaxday inay shirarkooda qabsan karaan sida uu dastuurku tilmaamay, waxaana amarkii hotelada la siiyey in aanay shir ku qabsan Karin dib ugu ogolaaday xukuumaddu ka dib go’aankii maxkamadda soo saartay.

Shir_Wadatashi_Xisbiyada_Mucaaradka_SL (1) Shir_Wadatashi_Xisbiyada_Mucaaradka_SL (2) Shir_Wadatashi_Xisbiyada_Mucaaradka_SL (3) Shir_Wadatashi_Xisbiyada_Mucaaradka_SL (4)

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular