Bulshada beledweyne ayaa eedeyn usoo jeediyay shirkadaha ka howlgala gobolka hiiraan iyagoona ku eedyeeyay in aaysan waxbo ka qaban adeegyada aas aasiga ah sida caafimaadka waxbarashada u gargaarida dadka tabaaleeysan iyo horumarka deegaanka .
Kuxigeenka gudoomiyaha gobolka hiiran ee dhanka arimaha bulshada sheikh xuseen cismaan cali waxana uu tilmaamay in shirkadaha gobolka hiiraan aaysan waxbo ka qaban wax yaabaha bulshada gobolka aay xaqa ugu lahaayeen kaas uu ku micneeyay in shirkadaha looga baahnaa in aay garab istaagaan bulshada kana taageeraan adegyada aas aasiga ah sida caafimaad wax barashada iyo horumarada kale ee socda waxana uu tilmaamay in shirkadaha lamidka ah ee kuwa ka howl gala gobolka eek a shaqeeya gobolada kale ee dalka ay ka qeyb qaataan hurumarinta bulshada iyo tan deegaanka waa sida uu hadalka u dhigay.
Madaxa shabakada hiiraan weyn maxamad cismaan makaraan ayaa isna eedeyn ujeediyay shirkadaha ka howlgala beledweyne waxana uu sheegay in aysan shirkadaha aysan buuxin kaalintii looga baahnaa.
Gudoomiyaha saxafiyiinta gobolka hiiraan cabdi risaaq maxamed cabdullahi al cadaala ayaa isna ka mid ahaa dadka eedeynta dusha kaga tuuray shirkadaha ka howlgala beledweyn waxana uu tilmaamay gudoomiyaha saxafiyiintu in shirkadaha ka howl gala gobolka gaar ahaana degmada beledweyne aysan waxbo u qaban bulshada waxana uu ugu baaqay in aay is badal muujiyaan oo aay taageeraan dadka u baahan in la garab istaago .
Eedeyntan masuuliyiintani ay usoo jeediyeen shirkadaha gobolka ayeey ka sheegeen xaflada furitaanka tarta cilmiyeedka bisha barakeysan ee ramadaan taas oo aay soo qaban qaabiyeen ururka hisda iyo idaacada hiiraanweyn oo ka dhacaday hotel kaamil ee magalada beledweyne.
Comments are closed.