spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADA}Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Nairobi
Array

{DAAWO SAWIRADA}Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay dhigiisa Nairobi

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa goor dhow la kulmay Duqa magaalada Nairobi Mr Evens Kidero, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo quseeya xiriirka labada magaalo.

Kulankan ayaa waxaa ku wehliyay Guddoomiye Muungaab xubno ka tirsan maamulkiisa, waxaana laga wada hadlay mataaneynta labada caasimadood ee Muqdisho iyo Nairobi.

Qodobada laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa sidii labada magaalo ay u wadaagi lahaayeen khibradaha xaga Maamul, maareynta bey’ada, adeega gurmadka deg dega, dimoraaqdiyada iyo dhinaca maalgashiga.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii iskaashi u dhex mari lahaa magaaloyinka Nairobi iyo Muqdisho, isla markaana magaalada Muqdisho uga faa’ideysan lahayd khibradda maamulka uu hogaamiyo gudoomiye Kidero.

“Waxaan ka wada hadalnay arrimaha maamulka wanaagga,maareynta qashinka iyo sidii magaalada muqdisho loo gaarsiin lahaa maamul is doorto sida maamulka Nairobi”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Sidoo kale Duqa magaalada Nairobi Evans Kidero ayaa sheegay in laga wada hadlay arrimaha dowlad wanaaga, isagoo xusay in xiriir wada shaqeyn oo joogto ah la yeelan doonaan Gobolka Banaadir iyo Caasimadiisa Muqdisho

“Waxaan ka wada hadalnay qaabka dowlad wanagga, waxaan ka wada hadalnay qaababkeena qorsheynta, maamulka maareynta dhulka, waxaan ka wada hadalnay qaabka uruurinta canshuuraha beriga, waxaan ka wada hadalnay maareynta musiiboyinka ka dhasha dabka, Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay sidii aan u sameysan lahayn xiriir wada shaqeyn oo joogto ah si ay uga faa’ideystaan oo ay wax nooga bartaan anaguna aan uga faa’ideysano oo aan wax uga barano”ayuu yiri Kidero.

Ugu dambeyn kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Danjire Jamaal Maxamed Xasan.

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular