Munasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu ayidayey heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay beel dega deegaano hoos yimaada Degmada warshiiq gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ka dhacday degmada Warshiiq.
Munaasaabadan ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Banaadir General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Cali Guudlaawe, qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe,Duubab dhaqameed,nabadoono iyo waxgarad kale.
Khilaaf soo kala dhex galay labadan beelood ayaa sababay in ay ku dhintaan dad ku dhow toban ruux ayna qoysas badan ku barakacaan. Wadahadlo socday muddo toddodaab ah ayaa labadan beel waxa ay ka heshiiyeen khilaafka soo kala dhex galay oo asalkiisu ahaa dhul.
Qodobada heshiiska ayaa lagu wadaa in goor dhow loogaga dhowaaqo degmada Warshiiq iyadoo ay goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo.
Degaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe maanta waxaa lagu wadaa in lagu soo Afjaro Colaad mudo u dhaxeeysay Beello wada daga Degaanka Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana halkaa maanta la filayaa in Heshiis lagu kala saxiixdo.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Odayaal ka tirsan Labada Dhinac ayaa manta tagay Degmada Warshiiq,isaga aya Goobjoog ka aha Heshiiska.ay gareen.
Beelaha ku dagalamay Degaanka  Warshiiq ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr Jeer loogu baaqay in ay Nabad qaataan oo ay ka Tanasulaan dagaalkan
Cabdi Fitaax Nuur Saney {Socdaal}
Radio Hiiraanweyn JowharÂ