spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADDA} Ciidamada Amaanka Australia Oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Iyo Walxaha...
Array

{DAAWO SAWIRADDA} Ciidamada Amaanka Australia Oo Gacanta Ku Dhigay Ruux Iyo Walxaha Qarxa.

Ciidamada Amaanka dalka Australia, ayaa gacanta ku dhigay Ruux iyo Walxaha qarxa kaasi oo qorsheynaayay in falal amni daro ah ka geysto Xarumaha Dowlada.

Ciidamada oo ku hubeysnaa Hubka noocyada fudfudud, ayaa waxa ay gudaha u galeen guri ku yaala Gobolka Victoria, gaar ahaan deegaanka Greenvale, waxaana qaraxyada laga dhex helay qolkii uu wiilkaasi ka degnaa gurigooda, oo waalidkii uu kula noollaa.

Ciidamada oo si gaargaar ah u wareystay waalidka dhalay wiilkaasi, ayaa waxa ay sheegen inaysan waxba kala socon arrinta la xiriirta Hubka uu wiilkooda soo dhigay hooyga.

Laamaha ammaanku waxay sheegeen in weerarka uu la damacsanaa munaasabad maanta ka dhaceysay Gobolka Victoria.

Tony Abbott, Ra’iisal Wasaaraha Australia oo weerarka laga hortagey ka hadlaayay, ayaa wuxuu ammaanay shaqada wanaagsan ee hay’adaha ammaan ku qabteen.

Tony Abbott, ayaa qiray in argagaxisadu ay khatar ku tahay dalka Australia, wuxuuna booriyay in qalabkoodu loo dhameystiro xoogaga ammaanka, si suggida ammaanka ay u sii xoojiyan.

ast6 austr2 austr3 austr4 austra autr5

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular