spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADDA} Dibaad Baax Aan Horay Loo Arag Oo Ka Dhacay Dalka...
Array

{DAAWO SAWIRADDA} Dibaad Baax Aan Horay Loo Arag Oo Ka Dhacay Dalka K/Africa

Banaanbaxaan oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Gauteng ee dalka koofur Africa iyo ururada ka shaqeeya arimaha bulshada ayaa waxaa uu ka dhacay magaalada Johanesburg,  waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jiray shacabka South Africa iyo guud ahaan dadka ajaanibta ah ee ku nool dalka koouf africa.
Banaan baxayaasha ayaa socod kusoo maray wadooyinka magaalada Xarunta ganacsiga Johanesburg iyo qaar ka mid ah xaafadaha ay ka dhaceen rabshadaha ajnabi naceybka ahaa ee todobaadkii lasoo dhaaftay ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka koofur africa isla markaana ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa todobo ruux kumanaan qoys na ay ku barakaceen.
Waxaa banaan baxayaasha hor kacayay gudoomiyaha gobolka Gauteng David Makhura iyo qaar ka mid ah madax diimeed yada ka jira dalka koofur africa waxaana dadka ay wateen boorar lagu soo qoray erayo lagu muujinayay in shacabka koofur africa aysan raali ka wada aheyn dhibaatada la gaarsiiyay dadka ajaanibta ah gaar ahaana kuwa kasoo jeeda qaarada africa.
Waxaa sido kale banaan baxayaasha ay ku heesayeen heeso guubaabo ah oo lagu cabirayay dareenka dadka ajaanibta ah midnimada iyo wadajir ka iyo sido kale in shacabka africa ay yihiin hal shacab oo kali ah oo wax u dhaxeeya aysan jirin.
wadooyinka waxaa aad usoo buux dhaafiyay kumanaan shacabka ah oo daawanayay socodka nabada oo ay sameynayeen shacabka south africa iyo dadka ajaanibta a waxaa wadooyinka taagnaa ciidamo police ah oo aad u ilaalinayay amaanka.
unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular