spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADDA} Tiradda Qoysaaska Ka Barakacaya Jowhar Oo Sii Koroortay Fatahadda Uu...
Array

{DAAWO SAWIRADDA} Tiradda Qoysaaska Ka Barakacaya Jowhar Oo Sii Koroortay Fatahadda Uu Sameynaayo Wabiga Shabelle

Qoysas tiradoodu gaaraya 930 qoys ayaa ka barakacay deegaanka Duduble oo ka tirsan degmada Mahaday kadib markii wabiga uu fatahay deegaankaas.

Wararka ka imanaya deegaanka Duduble oo dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar illaa iyo 45km ayaa waxa ay sheegayaan in dadkii ku noolaa deegaanka Duduble ay ku hanti beeleen daadadka ku soo rogmaday haatana ay joogaan meel cidlo ah.

Guddoomiyaha degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax ayaa ugu baaqay dowlada iyo hay’adaha samafalka inay gargaar la soo gaaraan dadkan ay fatahaaduhu saameeyeen.

“Qoysaskaan beeralayda ah wixii ay haysteen waxaa qaaday biyaha ka soo fatahay wabiga mana haystaan cunto,biyo nadiif ah iyo daawo,”ayuu yiri Axmed Xuseen Afrax guddoomiyaha degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Dhinaca kale wabiga Shabelle ayaa qarka u saaran inuu ku fataho wabiga Shabelle iyadoo wabigu bilaabay in uu korshub ka sameeyo xaafadaha Kulmis iyo Horseed.

Kusimaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay shacabka gobolka inay il gaar ah ku eegaan wabiga isla markaana ka qeybqaataan sidii loogaga hortagi lahaa inuu wabigu fatahaad ka sameeyo xaafadaha magaalada Jowhar.

Axmed Meyre Makaraan ku simaha guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe iyo Sh.Abuukar Xasan Cali oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca dib u heshiisiinta iyo arrimaha Federalka ayaa ka qeybgalay carrotuur lagu sameynayay wabiga Shabelle iyagoo ka mid ahaa dadkii sida mutadawacnimada ah uga howlgalayay xaafado ka mid ah magaalada Jowhar.

Biyaha wabiga Shabelle uu wado ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay waxaana cabsi xoog leh ay ka jirtaa in wabiga uu ku fataho deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe.

fatahad (3) fatahad (2) fatahad (1) fatahaad

sawir qadde wariye abshir jowhar.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular