spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DAAWO SAWIRADDA} Wasiirka Gaashaandhigga Oo Darajooyin U Xiray Saraakiil Dhameysatay Tababar
Array

{DAAWO SAWIRADDA} Wasiirka Gaashaandhigga Oo Darajooyin U Xiray Saraakiil Dhameysatay Tababar

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar u soo xiray saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal ah, waxaana munaasabadda ka dhacday xerada Jazeera ka qeyb galay Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Jen. Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa ka hor inta uusan ka qeyb gelin Munaasabadda Tababarka loogu xirayay ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya, waxa uu booqday taliska qeybta 12-ka Apriil ee Ciidamadda Xoogga dalka, waxana halkaas uu kulamo kula qaatay Saraakiisha ciidamada.

Kulanka kadib ayaa Wasiirka iyo Taliyaha qeybta 12-ka April Jen. Maxamed Maxamuud Saneey waxay dar daaran dar-daaran isugu jira dhiira gelin iyo dar-dargelin howlaha shaqo ee qaranka u hayaan halkaas u jeediyeen Saraakiisha.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa Tababar u soo xiray saraakiil dhameysatay tababar leyli Sarkaal, kuwaasoo muddo dhowr bilood ah tababar ku soo qaadanayay dalka Uganda, sidoo kalana xerada Jazeera lagu barayay shuruucda iyo dhaqanka laga doonayo askariga Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi ayaa munaasabadda ka sheegay in ciidamadan lagu soo xulay markii hore shuruudo ay ka mid yihiin dabeecad wanaag iyo aqoon, isagoo intaa raaciyay in Soomaaliya ay xiligan u jaheystay sidii ay wadankeeda udhisan laheyd, ciidankana ay yihiin kuwii hormuudka u noqon lahaa dib u dhiska Soomaaliya Nabad ah oo xasiloon.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ciidamada tababarka dhameysatay si aad ah ugula dar daarmay in tababarrada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan, waxaana uu ku boorriyay in howlgallada socda ay qayb lixaad leh ku yeeshaan.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in muhiimadda koowaad ay siineyso mushaaraadka ciidamada, waxaana uu tilmaamay in lacagaha dowladda soo gala waxa ugu horeeya ee laga bixinayo ay tahay mushaarka ciidanka.

IMG_1069 IMG_1105 IMG_1137 IMG_1142 IMG_1152 IMG_1202
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular