Ciidammo Taabacsan Xukuumadda dalka Yemen ayaa maanta ka Qabsaday Xoogagga Xuuthiyiinta Dalkaas, Magaalada Muhiimka ah ee Zinjibar oo ku taalla Koonfurta Dalka Yemen.
Magaalada Zinjibar oo ah Caasimadda Gobolka Abyan ayaa waxaa maalmihii aynu kasoo gudubnay ka socday dagaallo u dhexeeyay Ciidamada daacadda u ah Dowladda Awoodda yar ee Yemen iyo Xoogagga Mucaaradka ah ee Shiicda.
Waa magaaladii labaad oo laga qabsado Mucaaradka Yemen, iyadoo horay looga qabsaday Magaalada Cadan oo ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Koonfurta Yemen ku yaalla.
Sidoo kale, wararka ayaa intaa ku daraya in ciidanka taabacsan xukuumadda ay Qabsadeen Magaalada Zinjibar oo Qiyaastii 50-km dhanka Bari kaga beegan Cadan, markii xoogaggii Xuutiyiinta ay isaga baxeen kaddib duqeymo culus oo ay Zinjibar ka geysteen diyaaradaha is-bahaysiga ee ay Hoggaaminayso Xukuumadda Saudi Arabia.
Dadweynihii deggenaa magaaladan oo saaran badda cas oo si khasab ah looga Barakiciyay ayaa billaabay inay isla Axadda maanta ah dib ugu soo laabtaan sida ay sheegeen AFP qaar mid ah saraakiisha hay’adaha Samafalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ugu yaraan 19-qof ay ku geeriyoodeen, ayna 150 oo kale ku dhaawacmeen Dagaalladii dhowrka maalmood ka socday Zinjibar, sida uu sheegay Al-Khader Laswar oo ka tirsan saraakiisha caafimaadka Cadan.
Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saddex ka mid ah ciidamadooda lagu dilay xilli ay ka qayb-qaadanayeen howlgalka uu Hoggaaminayo Sucuudiga. balse ma aysan sheegin halka lagu dilay askartoodan iyo xilliga la dilay.
Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka Yemen ayaa Sheegay in Saraakiil ka socda Dalalka Imaaraadka, Masar iyo Jordan ay Tababarro ku siinayaan xeryo ku yaalla Gudaha Yemen Ciidammo Taabacsan Xukuumadda Yemen.
Xoogagga Mucaaradka ah ee Xuuthiyiinta ayaa Bishii Maarso ee Sannadkan si khasab ah uga saaray Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi-rabbi Mansuur Haddi dalka Yemen, isagoo haatan dibad-joog ku ah dalka Sucuudiga.
Ugu dambeyn, Colaadaha ka socda dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 4,000 oo qof, kuwaasoo kala bar ay yihiin shacab, iyadoo colaaduhu ay boqolaal kun oo kale ka barakaceen Dalkaas.