Dadka Soomaaliyeed sidii ay u Tageen Dalalka Reer Galbaaed waxay si aad uga Mmuuqdeen Siyaasadda Wadamadaas, gaar ahaan Golayaasha Deegaanada iyo Xisbiyada, iyadoo taasi ay jirto ayaa dalka Norway waxaan dhawaan ka bilaabmay doorashadii golaha deegaanada oo ay sanadkaan ka muuqdaan dad Soomaali ah.
Faadumo Cali Madar oo mar labaad u sharraxaan doorashada Golaha Deegaanka Oslo, sidaa awgeed Faadumo waa Gabar Somaaliyeed oo ku jirta liiska Xisbiga Shaqaalaha (AP) ugu sareeya lambar “40”.
Sidoo kale, Faadumo Siyaasadda Norway aad bay ugu dhuun-dalooshaa mar aan wax ka weydiiney rajadeed ku aaddan inay ku guuleysato kursigaas ayay tiri. “Rajadeeda aad bay u sareysaa weliba aniga oo ku kalsoon dadka Soomaaliyeed ee ku nool Norway. Dadkuna way garanayaan Qofka ay isku halayn karayaan.
“Waxaan doonayaa in haddii aan ku guuleysto Kursigaas inaan wax badan u qabto dadka Soomaaliyeed ee ku nool Norway oo aan ogahay inay haystaan dhibaatooyin fara badan,“ ayay tiri Faadumo oo ka dalbatay dadka Soomaaliyeed ee Norway ku nool inay gacan ku siiyaan sidii ay kursiga ugu guuleysan lahayd.
Musharraxadda oo Ololaheeda ku aaddan doorashada ka bilowdey Dalka Norway ayaa Maalmihii lasoo dhaafay ay kulammo la Qaadanaysay Soomaalida ku nool dalkaas si ay taageero uga hrsho. Iyadoo Qorswheynaysa inay ololaheeda kusii baahiso dhammaan xaafadaha Oslo ee ay Soomalidu deggen yihiin ee Norway.
Ugu dambeyn, Dhoorashadu waxay ku egtay 14-ka September 2015-ka. Iyaoo Faadumo Madar ay ka dalbatay in Soomaalidu ay codkooda siiyaan taariikhdaas inta ka horreysa, waxayna u tartamaysaa Faadumo Ali Madar Xisbiga Shaqaalaha ama Arbeiderpartiet.
Fatima Ali Madar, AP – Medlem i byutviklingskomiteen Oslo bystyre – Member of Oslo City Council, Labour Party – Standing Committee on Urban Development Mobile Lambar: +47 92836041 – Arbeiderpartiets bystyregruppe – Rådhuset, 0037 Oslo.