Ugu yaraan 16 ruux oo 13 ka mid ah ay caruur yihiin ayaa ku dhintay weerar ay diyaaradaha dagaalka ee Suuriya ku qaadeen magaalo ku taala gobolka Dercaa talaadadii, sida ay sheegayaan dadka xuquuqda aadanaha u ol’oleeya.
Dadka dhintay waxay Qur’aan ku baranayeen magaalada Ghariyah, sida dadka deegaankaasi ay u sheegeen qolyaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya la socda oo fadhigoodu yahay Britain.
Ciidammada dawladdu kama aysan hadlin wararka la xiriira weerarkaasi.
In kabadan 230,000 oo Suuriyaan ah ayaa ku dhintay dagaalka sokeeye, kaas oo dabo socday mudaaharaadyo dawladda lagu diidanyahay oo bilawday bishii saddexaad ee 2011.
Jabhaddaha Suuriyaanka ah ayaa todobaadyadan guulo ka gaarayay dagaalada ay ciidammada dawladda kula galayaan gobolka Dercaa, halkaas oo ah meeshii ay afar sano kahor ka bilawdeen degenaansho la’aanta lagaga soo horjeedo madaxwayne Bashaar Al-Asad.
Magaalada Ghariyah waxa ay dhacdaa meel u dhaw bariga Dercaa, meeshaas oo aan sidaa uga fogayn goobta uu ku yaalo saldhig millitari oo jabhadduhu ay todobaad kahor ka qabsadeen ciidammada dawladda.