Booliska dalka Czech ayaa waxa ay sheegeen inay gaaska dadka ka ilmeysiiya ay ku kala ceyriyeen dad muhaajiriin ah oo dibad bax ka dhexsameeyay xero ay ku xareysan yihii.
Xeradaasi ayey ku sugayaan in dib loogu celiyo dalakii ugu horeeyay ee ay ka degeen.
Tahriibayaashan ayaa waxa ay burburiyeen alaabta iyo daaqadaha guryaha, koox ayaga ka mid ah ayaana iskudeyay inay halkaasi ka baxsadaan.
Waxaa loo maleynayaan in muhaajiriintan sharcidarada ahi ay doonayaan inay gaaraan dalka Jarmalka.
Laakiin waxaa la doonayaa in lagu celiyo dalalka Hungary iyo Austria oo ah meeshii ugu horeysay ee ay Yurub ka galeen.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo dowladda Britain ay sheegeyso inay dalka faransiiska u direyso eeyo iyo shaqaalo dheeraad ah si maamulka dalkaasi ay uga caawiyaan ka hortagidda dadka doonaya inay UK iska dhiibaan.
Dadkaasi ayaa waxa ay doonayaan inay maraan kanaal dhulka hoostiisa ah si ay megengelyo uga helaan Britain.
Isbuucaan, tiro dadkaasi ah oo si sharcidaro ah u galay qadkaasi ayaa waxa ay sababeen in la hakiyo adeegyada tareenada.
Ra’iisul wasaaraha Britain, Mr Cameron oo teleefoon kula hadlay madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa waxa uu uga mahadceliyay in boolis dheeraad ah uu u diray nawaaxiga Calais, si ay u hor istaagaan dadka soo galootiga ah.