spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDanjire Axmed C/salaam Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Murashax U Taagan Hoggaanka...
Array

Danjire Axmed C/salaam Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Murashax U Taagan Hoggaanka Gobollada Dhaxe

Safiirka Somalia u fadhiya xarunta Itoobiya Addis Ababa, Axmed C/salaam Xaaji Aadan ayaa maanta si rasmi ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan Hoggaanka maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia loo dhisayo, kaasoo shirka lagu dhisayo uu ka socdo magaalada Cadaado.

Axmed C/salaam oo horay loo hadal hayay inuu yahay ka mid yahay murashaxiinta xilkan u taagan ayaa wuxuu kaga dhawaaqay Murashaxnimadiisa Kulan Khamiistii lasoo dhaafay uu u sameeyay odayaal iyo waxgarad, isagoo kulanka ka sheegay in hamigiisa siyaasadeed uu yahay kan maamulka Gobollada Dhexe.

Sidoo kale, Danjiraha ayaa xusay in rabitaanka dadka Gobollada Dhexe uu yahay Maamul ay dadka deegaanku soo doortaan, isagoo xusay in Toddobaadkan uu tagi doono Degmada Cadaado, si uu ololihiisa musharaxnimadiisa uga billaabo.

Dhawaanahan ayaa waxaa shirka lagu dhisayo maamulka ee ka socda Cadaado ka taagnaa walaacyo isdaba joog ah; iyadoo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay dadaal ugu jiraan dhameystirka shirka dhismaha maamulka gobolada dhaxe.

Beelaha dega Gobollada Dhexe ayaa Qaarkood maalmihii u dambeeyay waxay cabasho ka muujinayeen sida uu shirku u socdo, iyagoo ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somalia inay faragelin ku hayso shirka.

Laakiinse, wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/raxmaan Odawaa ayaa shaaciyay dhawaan inuu Wajigii labaad ee Shirku ka Furmay Cadaado; isagoo iska fogeeyay in Wasaaraddiisu ay dhibaato ku hayso shirka ka socda Cadaado.

Ugu dambeyn, danjire Axmed Cabdisalaam ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen iyo wasiir, waxaana loo arkaa inuu ka mid yahay shaqsiyaadka aadka ugu sameynta badan Gobollada Dhexe, isagoo ka mid noqonaya murashaxiin ah oo hoggaanka maamulka la dhisayo isku soo taagay.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular