spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDanjire Sidikou oo Cambaareeyay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Kismaayo
Array

Danjire Sidikou oo Cambaareeyay Weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay Kismaayo

Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou ayaa Cambaareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Xero lagu Tababbarayay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku taalla duleedka Magaalada Kismaayo.

Danjire Sidikou ayaa weerarkan ku tilmaamay mid fool xun, isagoo sheegay inuu ahaa mid loogu Talo-galay in lagu Carqaladeyo Qorshaha Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku dhisto hay’ado amni oo awood leh.

Sidoo kale, Danjiruhu wuxuu ku daray in Weerarkan uu ahaa dhibaato kale oo loo geystay Dhallinyarada Soomaaliyeed, Maadaama Soomaaliya ay Tahay mid ka mid ah Dalalka leh Dhallinyaradoodu ugu Wax-soo-saarka badan Caalamka.

“Filickaan Foosha Xun; Wuxuu Muujinayaa sida ay Al-shabaab uga Go’an tahay inay wax burburiso oo aysan u doonayn inuu dalku dhismo. Al-shabaab waxaan u sheegayaa inaanu naga leexin doonin Weerarkan Dib-u-dhiska Cidammada Millateriga iyo kuwa Ammaanka Somalia, illaa Somalia ay cagaheeda isaga taagayso,” ayuu yiri Maman S. Sidikou.

Ergayga ayaa Wuxuu Tacsi u diray Ehellada iyo Saaxiibadii Askartii Weerarka lagu Dilay iyo kuwii ku Dhaawcmay, isagoo intaas ku daray in Weerarkan uusan marnaba ka Weecin doonin howsha lagu doonayo in Somalia ay dib ugu dhisanto.

Weerarkaan oo ay Mas’uuliyaddiisa Sheegatay Al-shabaab ayaa loo Adeegsaday Baabuur Waxyabaaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo ay ku geeriyoodeen in ka badan 25-askari oo ahaa ciidammo Soomaali ah oo xerada la weeraray tababar ku qaadanayay, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan Soddomeeyo Askari.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa dhankeeda sheegtay inay weerarkaas ku dileen tiro ka mid ah Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, inkastoo qaar ka mid ah saraakiisha dowladda Somalia ay sheegeen in la qabtay laba ruux oo ku lug lahaa Weerarkan.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular