Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, qarax ayaa ka dhacay Degmadaasi, kaasi oo aan la ogeyn nooca uu yahay.
Qaraxa kadib waxaa la sheegay in la maqlay israsaaseyn u dhaxeysa ciidamada Dowladda iyo rag hubaysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarkaan uu ka socdo meel ku dhaw Xero ciidanka Nabad Suggida lagu tababaro oo ku taallo Degmada Shibis, laakiin lama sheegin in ragga hubaysan ay galeen Xeradaasi.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in weli ay socoto israsaaseyn u dhaxeysa ragga goobtaan soo weeraray iyo ciidamada ammaanka Dowladda.
Shibis oo dhanka Waqooyi ee Muqdisho ku taallo ayaa dadka saaka waxa ay yihiin kuwa naxsan oo la amakaagsan werarkaan aroortaan hore ee saaka dhacay.
Iskuul Shibis oo ah Xerada ciidanka lagu tababaro, waxaa tababar lagu siiyaa ciidamada Nabad Suggida Somalia.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaan saaka Shabaab ay ku soo qaadeen Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir khasaaraha ka dhashay.