spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
Home{DHAGEYSO} Cudurka Shuban Biyoodka Caruur Uu Soo Ritay Oo La Dhigay Isbitaalka...
Array

{DHAGEYSO} Cudurka Shuban Biyoodka Caruur Uu Soo Ritay Oo La Dhigay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo

Caruur badan oo uu soo ritay cudurka Shuban Biyoodka ayaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kuwaasi oo laga kala keenay deegaano ku dhaw magaaladaasi.

Caruurtaan ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay 60 caruur ah, waxaana qaarkood xaaladooda ay tahay mid aad u liidata.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gal-mudug ayaa booqday Isbitaalka ay caruurtaan ku xanuunsanayaan, waxaana ay sheegeen in deegaano badan uu ka jiro cudurkaasi.

Agaasimaha Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Gal-mudug Cumar Cabdi Maxamed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay caruurtaan laga wada keenay Deegaanada Baadiyaha ah ee ku dhaw magaalada Gaalkacyo.

Cudurka Shuban Biyoodka ayaa ka dilaacay deegaano badan oo hoostaga magaalada Gaalkacyo, iyadoo sidoo kale caruurta halkaasi ku dhaqan ay la’il daran yihiin nafaqo darri baahsan.

halkan hoose ka dhageyso,

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular