Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Xalay ka qeyb galay Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Ururka Dhalinyarada Gobolka Banaadir islamarkaana looga hadlayay nabadda Gobolka ayaa Cod dheer ugu baaqay Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay Caawiyaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo cararaya Dalka Yemen oo uu Dagaal ka soconayo.
Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Tilmaamay in Dhalinyarada Gobolka Banaadir looga baahan yahay in ay Guri walba ay weydiiyaan Gargaar si wax loogu qabto Dadka Soomaaliyeed ee Naftooda kala soo baxsanaya Dagaalka Yemen ee u dhexeeya Dowladda uu Caalamku Aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta.
Madaxweynaha Dalka ayaa sidoo kale Dhalinyarada Soomaaliyeed meelkasta oo ay Joogaan ka dalbaday in la soo dhaweeyo Dadka Yemeniintaa ee dhankooda ka soo cararaya Colaadka ka jirta Dalkooda,waxaana uu sheegay in Shacabka Yemen ay badbaadiyeen Kumanaan Ruux oo Soomaali ah oo Dalkooda Dagaal uga Cararay islamarkaana markooda loo baahan yahay in loo Abaal Gudo.