spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDibadbax looga soo horjeedo wiilkii Falastiiniga ee la gubay oo ka dhacay...
Array

Dibadbax looga soo horjeedo wiilkii Falastiiniga ee la gubay oo ka dhacay Tel Aviv

Kumannaan qof oo Israa’iiliyiin ah ayaa ka qeybgalay isu soo baxyo dowladda loogu boorinaayay inay tallaabo adag looga qaadayo dadka xagjiriinta ah ee Yahuuda ah.

Dibad baxayaasha oo isugu tagay magaalada Tel Aviv waxa ay taageero u muujiyeen reerka Falastiiniyiinta ah ee cunuga yar laga gubaymaalintii jimcaha kaddib markii lagu weeraray gurigooda oo Daanta Galbeed ku yaalla.
Weerarkaasi waxaa la sheegay inay ka dambeeyeen dad Yahuud ah oo mayil adag.
Dhanka kale, wiil dhallinyaro Falastiini ah oo ciidamada Israa’iil toogteen inay rabshado socdeen Jimcihii, ayaa waxa uu u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.
Weerarkaasi Daanta galbeed ka dhacay waxaa cambaareeyay Xoghayaha guud ee Qaramada midoobeey ee Ban Ki-Moon.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil dhankiisa waxa uu sheegay in ay sharciga la tiigsan doonaan dadkii weerarkaasi masuulka ka ahaa.
Laakiin maamulka Falstiiniyiinta ayaa waxa ay dalbanayaan in la joojiyo deegaameynta laga wado dhulka ay Israa’iil haysato ee laga rarayo dadka Falastiiniyiinta ah.
Deegaameyntaasi ayaa Mareykanka waxa uu ku tilmaamay inay sharcidaro tahay ayna carqalad ku tahay sii socoshaha wadahadallada nabadda.

dibad bax k dhacay israaiil

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular