spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDoorashada Dalka Suudan Oo Manta Ka Bilabaneysa Dalkaasi.
Array

Doorashada Dalka Suudan Oo Manta Ka Bilabaneysa Dalkaasi.

Dadka reer Suudaan ayaa maanta oo isniin ah waxay u dareerayaan goobaha codbixinta si ay u soo doortaan madaxweyne iyo baarlaman.

Doorashadani ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii ay Suudaan kala go’day.
In ka badan 37 milyan oo qof ayaa u diiwaan-gashan in ay codkooda dhiibtaan.

Inta badan xisbiyada mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, iyadoo dalalka reer galbeedka ay sheegeen in aysan muuqan jawi abuuraya doorasho xor iyo xalaal ah.

Dhammaan arrimahani ayaa waxaa lagu micnayn karaa in Cumar Al-Bashiir oo xukunka soo hayay tan iyo sanadkii 1989 kii uu hadda hubo in dib loo soo dooran doono.

Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ayaa amartay in la soo xiro Cumar al-Bashir 2009-kii.
Doorashadu waxay socon doontaa saddex maalmood gudahood oo aay ka dhici doonto dalkaasi suudaan,

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular