spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowlada Federaalka Soomaaliya Oo wafdi U Dirtay Magaalada Jig-Jiga
Array

Dowlada Federaalka Soomaaliya Oo wafdi U Dirtay Magaalada Jig-Jiga

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi u dirtay magaalada Jig-jiga ee xarunta Dowlada deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wafdigaan uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha madaxtooyada Soomaaliya Mahad Max’ed Salaad ayaa waxaa ku wehliya gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo Odayaal dhaqameed kuwaasi oo doonaya inay madaxda Dowlad Deegaanka Ethiopia kala soo hadlaan dilalka arxandarada ee ciidamada Liyuu Boolis  ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa maalmihii u danbeeyay dagaalo dad badan ay ku dhinteen ka waday deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud xadna la leh Dowlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia,waxaana dadka inta badan ciidamada ay bartilaameedsanayeen u badnaa Haween iyo Carruur.

 

Gudoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo ka hor inteysan u ambabixin Jig jiga la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u socdaan howlo muhiim u ah Shacabka oo lagu joojinayo daadashada dhiigooda iyo waliba in la dhameeyo xiisadada ka taagan deegaanada gobolka Galgaduud uu xadka kala leeyahay D.D.S.E.

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Bulshada Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan ayaa ka xumaaday falalka xun xun ee ciidamada Dowlad deegaanka ay ka geysanayeen deegaanadaasi.

Mahad Maxamed Salaad

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular