Maxamuud Saalax, Gudoomiyaha gobolka oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dadka ay qabteen lagu tuhmayo kamid ahaanshaha Alshabaab dhawaan weerar saraakiil badan ku dilay ciidamo boolis ah oo marayay deegaanka Yumbis.
Wuxuu howlgalkaasi ku sheegay inuu yahay mid lagu guuleysteen, waxaana dadka laga shakiyay la aaminsan yahay iney wadeen ka qeyb qaadashada duulaan kale oo Alshabaab ay qorsheynayeen, sida booliska ay sheegeen.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay iney ka warhayaan in Alshabaab badan ay usoo gudbeen dhanka Soomaaliya, qaarkoodna ay isku qarinayaan deegaanada dhanka miyiga eek u yaala xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Howlgalka ayaa laamaha amaanka waxay ka sameeyeen xaafado kamid ah magaalada Mandhera , laakiin saraakiisha kama aysan hadlin howlgalkaasi.
Laakiin gudoomiyaha gobolka Mr Saalax wuxuu warbaahinta u sheegay in dadka la qabtay ay ku qabteen qoryo iyo rasaas oo uu sheegay iney kasoo saareen goobo lagu qariyay.
