spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowlada Soomaliya oo 25-sano kadib qorsheenaysa in gacanteeda lagu soo celiyo maamulka...
Array

Dowlada Soomaliya oo 25-sano kadib qorsheenaysa in gacanteeda lagu soo celiyo maamulka isgaarsiinta dalka

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay qorsheynayso in 25-sano kadib ay lasoo wareegto Maamulida Isgaarsiinta dalka, xilli Dowladdii dhexe ee dalka markii ay dhacday ilaa hada aysan jirin Dowlad gacanta ku haysa Isgaarsiinta dalka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jaylaani Nuur Iikar, ayaa u sheegay Saxaafadda in sharciga Isgaarsiinta dalka ahmiyad weyn uu u leeyahay dalka.
Wuxuu sheegay si gacanta Dowladda loogu soo celiyo Maamulada Isgaarsiinta dalka Xildhibaanada inay aad uga fiirsadan sharcigaan oo mari doona heerar kala duwan oo akhrin.
Shirkado Isgaarsiineed oo gaar loo leeyahay ayaa gacanta ku haayo Isgaarsiinta dalka, iyadoo furaha Numbarka Somalia ay hayaan shirkado Ajaanib ah oo dhaqaalo badan oo uga soo xaroodo.
Dowladda Somalia ayaanan isku mashquulin waxyaabaha muhiimka u ah dalka, balse Dowladda ayaa ku mashquusha arimo dan badan aysan ugu jirin Bulshada.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular