Dowladaha Mareykanka iyo Cuba ayaa si buuxda u soo ceshaday xiriirkoodii diblomaasiyadeed ka dib in ka badan 50 sannadood oo uu xiraarkaasi go’naa.
Wax yar kaddib 12-kii Saqdii dhexe ee Xalay ayaa si rasmi ah loo saaray calanka Cuba ee Cadaanka iyo Buluugga ah isagoo ka dhex-babanay Calammada Dalalka kale ee Xiriirka diblomaasiyadeed la leh Mareykanka ee surran Dhismaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee magaaladan Washington.
Labada Waddan ee Mareykanka iyo Cuba ayaa hadda leh safaarado buuxa oo labada dal ka howl-galaya.
Xiriirka diblomaasi ee soo noqday ee Taariikhiga ah ayaa imaanaya 54 Sannadood kaddib markii uu Go’ay xiriirka labada dal Xilligaa uu Madaxweyne ka ahaa Mareykanka, John F. Kennedy.
Saraakiisha dalka Cuba oo uu ku jiro wasiirka Arrimaha dibadda Bruno Rodríguez Parrilla, ayaa ka soo Qayb-gali doona Xaflad lagu Furayo maanta oo Isniin ah Safaaradda Cuba ee Mareykanka. Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ee dhinaca dalalka Koonfurta Qaaradda Ameerika, Roberta Jacobson oo isagu Door muhim ah kasoo Qaatay wada-xaajoodyadii u dhaxeeyay labada dal ayaa sidoo kale Xafladaada ka Qayb-galaya.
Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa si rasmi ah u qaabili doona dhigiisa Cuba, Rodríguez Parrilla, maanta oo Isniin ah.
Labada Mas’uul ayaa caawa saacadda Mareykanka wada jir u qaban doona shir ja’raa’id.
Furitaanka Safaaradda Mareykanka ee Cuba ayaa dib loo dhigay ilaa iyo inta Kerry uu kaga socdaalayo Havana, laakiin labada safaaradood ayaa si rasmi ah u sii shaqeyn doona.