spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowladda Kenya oo Fasaxday Xawaaladihii Soomaalida ee horay ay Xayiraadaha ugu soo...
Array

Dowladda Kenya oo Fasaxday Xawaaladihii Soomaalida ee horay ay Xayiraadaha ugu soo Rogtay

Bangiga dhexe ee Kenya ayaa dib u fasaxay Shirikadaha Xawilaadaha ee ay Kenya horay ugu soo rogtay xayiraadda. waxaana ka mahad-celiyay tallaabadan madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Toddobaadkii hore sheegay inuu ku siiyay amar Bangiga dhexe ee waddanka Kenya inay dib u eegaan nidaamka ay xawaaladuhu ku shaqeeyaan, isagoo ballanqaaday inuu dib u fasaxayo 13-ka Xawaaladood.

Shirikadahan ayaa waxay Kenya xayiraad kusoo rogtay bishii afaraad ee sanadka 2015-ka, kaddib markii ay dalkaas ka dhaceen Weerarro is-xig-xiga oo khasaare nafeed geystay, kuwaasoo uu ka mid ahaa weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo lagu dilay 148-qof oo u badan arday.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaila Xasan Sheekh ayaa soo dhoweeyay Tallaabadan, isagoo madaxweynaha Kenya, Kenyatta uga mahadceliyay go’aanka uu dib ugu fasaxay xawaalaha Soomaalida.

“Aad baan u soo dhaweynayaa go’aanka Madaxweyne Kenyatta uu qaaday, waxaana arrintan ay ka mid ahayd Waxyaabihii aan kala hadlay dhawaan markii aan ku kulannay Shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay Magaalada Johannesburg,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu rajeynayo in Kenya ay degdeg u dhaqan-geliso dib u furista Xawaaladaha si taasi ay u yareyso saameynta dhaqaale ee go’aanka xirista xawaaladaha ay ku yeelatey nolosha kumannaan Soomaali ah.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in hay’adaha maaliyadda ee Somalia ay diyaar u yihiin inay Kenya kala shaqeeyaan xakameynta lacagaha sida sharci- darrada la isugu diro, si aaney uga faa’ideysan kooxaha argagixisada.

 

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular