spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowladda Kenya oo joojisay diyaaradaha kaga yimaada Magaalada Muqdisho
Array

Dowladda Kenya oo joojisay diyaaradaha kaga yimaada Magaalada Muqdisho

Dalka Kenya waxa uu joojiyay diyaaradaha shacabka ee kaga yimaada Magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Waaxda Socdaalka Kenya.

Tani, ayaa waxaa lagu soo wargeliyay diyaaradaha fadhigoodu uu yahay Magaalada Muqdisho, ee sida joogtada ah duulimaadyada ugu tagga Magaalada Nairobi Ee Xarunta Kenya.

 

Maxamed Barre oo ka hawlgala mid ka mid ah diyaaradaha duulimaadyada ku tagga Magaalada Nairobi, ayaa wuxuu sheegay in Kenya ku soo wargelisay in la kordhiyay mudada Licence-ka diyaaradaha, sidaasi daraadeedna laga doonaayo inay kordhistaan.

 

“Kenya waxay noo sheegtay in nalaga rabo in aan kordhisano mudada Licence-ka diyaaradaha ee Kenya kaga shaqayno, ilaa iyo inta aan ka kordhinayno maka sii shaqayn karno Kenya.” Ayuu yiri Maxamed Barre.

 

Waxa kaloo uu yiri “Haddii aan hadda kordhisano mudada Licence-ka, waxaa naloo sheegay inaan shaqadayna sii wadan karno, marka waa intaas ilaa iyo hadda waxaan ognahay in duulimaadyada nalooga joojiyay.”

 

Shaqo joojinta lagu sameeyay diyaaradaha, ayaa waxay ku soo aadaysaa, iyadoo Somalidu ka carootay xadgudubka ay Dowladda Kenya ku soo samaysay dhulka Somaliya.

Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular