spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowladda Mareykanka oo shaacisay in Somalia ay usoo magacaawatay arrimo fuliye cusub
Array

Dowladda Mareykanka oo shaacisay in Somalia ay usoo magacaawatay arrimo fuliye cusub

Dowladda Mareykanka oo taageero joogto ah la garabtaagan Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxay Somalia u soo magacawday arrimaha fuliyaha cusub ee u qaabilsanaan doono dalka Somaliya.

Xukuumada Mareykanka ayaa sheegtay in arrimo fuliyaha cusub ee u qaabilsanaan doona Soomaaliya uu noqon doono David H Kaeuper.

Xukuumadda Washington, ayaa bogaadisay is bedelka ka jira dalka Somaliya, haddii ay noqon laheyd dhinaca ammaanka, siyaasadda iyo horumarka dhaqaalaha.

Xukuumadu waxa ay cadeysay in Mr David H Kaeuper, uu si gaar ah madax uga noqon doono Howl-Gallada Diblomaasiyadeed ee Mareykanka ee Soomaaliya, oo si rasmi ah loogu dhowaaqay sideedii bishan sebtembar.

Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha sharci fulinta caalamiga iyo la dagaalanka daroogada (INL), ayaa waxa uu heshiis is afgarad ah uu la garay Dowladda Somaliya iyo Maamulka Puntland.

Heshiiska, ayaa waxaa ku cad lacagaha Xafiiska INL hal milyan oo dollar oo ka mid ah, in loogu talla-galay tababarada ciidamada booliska iyo la dagaalanka argagaxisada la siiyo Puntland.

Shir gaar ahaa oo looga hadlaayay arrimaha dalka Somaliya oo Isniintii lagu qabtay Magaalada New York, ayaa waxaa caalamka looga codsaday in si buuxdo loo taageero Somaliya.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular