spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeDowladda Sacuudiga oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Danjire Dahir Geelle
Array

Dowladda Sacuudiga oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Danjire Dahir Geelle

Dowladda Sacuudiga ayaa waraaqaha aqoonsiga ee Danjirnimo ka guddoontay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalkaas Sheekh Dahir Maxamuud Geelle.

Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga Caadil Al-Jubeyr ayaa waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiir Dahir Maxamuud Geelle oo noqonaya Safiirkii u horeeyay ee rasmi ah oo dowladda Sacuudiga waraaqaha aqoonsiga ka guddoonto muddo 25-sano ah.

Munaasabad ka dhacday xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibada Sacuudiga ee magaalada Riyadh ayaa waxaa halkaas ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibada Sacuudiga oo soo dhoweeyay Safiirka cusub.

Danjire Dahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in howsha ugu horeysa ee uu qaban doono ay tahay sidii uu u xoojin laha xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, isagoo xusay inuu u dhega-nuglaan doono sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatada Soomaalida ku heysata dalkaas.

Dahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ahaa Safiiro dhowr ah oo uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood la soo aqbalay, kuwana ay wali sugayaan aqbalaada rasmiga ah

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular