Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay inay dalka gaarsiiso sanadka 2016 doorasho, iyadoo cadeysay inay wado qorshayaashii lagu gaari lahaa Hiigsiga sanadka 2016.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha C/rashiid Maxamed Xidig ayaa sheegay in Wasaaradda ay howlo fara badan u taallo, isla markaana haatan qaarkood ay u marayaan gabo gabo, waxaana uu dhaliilay kaalinta Beesha Caalamka ee ku aadan fulinta howlaha lagu gaarayo sanadka 2016.
“Dowladda hada dalka ka jirta waxaa loo igmaday inay gaarsiiso doorasho sanadka 2016, shaqooyin badan in la qabto ayaa ka horeysa, sida dhameystirka dastuurka qabyada ah, wasaarad ahaana dhowr arrimood ayaa inoo yaalla”ayuu yiri C/rashiid Xidig oo la hadlayay Raadiyaha dowladda.
Mr Xidig ayaa sheegay in meel gabo gabo uu marayo hirgelinta federaalka, isla markaana Baarlamaanka uu haatan hor-yaalo sharciga Guddiga doorashooyinka iyo Guddiga xuduudaha qaranka, waxaana uu xusay in guddigaas uu sugayo ansixinta Baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in sharciga Xisbiyada uu yahay mid diyaar ah, isla markaana Baarlamaanka uu hor-yaalo, waxaana uu intaa ku daray in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay dhamaan diyaarisay xeerarka lagu gaari lahaa sanadka 2016.
“Sharciyadii waa diyaarinay, Guddiyadii waa diyaarinay, iyadoo aan wax taageero ah ka helin beesha Caalamka, hadda 2016 waxba nagama xigaan, howlaha na hor-yaala waa badan yihiin, illaa iyo hadda Beesha caalamka kama helin dhaqaalihii arrimahaas ku bixi lahaa”ayuu yiri Mr Xidig oo intaa ku daray in dowladda Soomaaliya aysan wax eed ah loogu jeedi karin arrimaha laga rabo oo inta badan wixii howl ah ee iyaga laga sugayay ay diyaariyeen.
“Dhaqaalihii loogu tala galay arrimahaas wali ma bixin, waxaa rabnaa in balan qaadyadii lagu baaqay shirarkii London, Brussles iyo Copenhagen in la bixiyo, deeq bixiyeyaasha waa bixiyeen, laakiin deeq bixiyeyaasha iyo dowladda hey’ado u dhaxeeya ayaa jira, lacag nama soo gaarin, waxay wax walba ka dhamaan la’ yihiin diyaarado iyo shirar”ayuu yiri C/rashiid Xidig.
Ugu dambeyn Mr Xidig ayaa sheegay in iyaga iyo Caalamka ay meeshii ugu adkeyd ka mareyso, isla markaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed isku tashtaan, isla markaana howsha socota looga baahan yahay in wixii dhiman ay iyagu qabsadaan oo aan cidna la isku haleyn.