Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in shirka maamul u sameynta gobolladaMudug iyo Galgaduud ee ka socda magaalada Cadaado aanan laga qeyb galin doonin dadka kasoo jeeda gobolka Mudug ee dhanka Puntland.
Afhayeenka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Daa’uud Aweys oo aqrinayay qodobbada kasoo baxay shirka dowladda iyo maamul goboleedyada dalka ee maanta lasoo gabagabeeyay ayaa tilmaamay in la dhaqan gelinayo heshiiskii dowladda federaalka iyo maamulka Puntland ee 14-kii October ee sanadkii hore, kaasoo dhigaya in maamulka laga dhisayo gobollada dhexe uusan saameyn ku yeelan doonin soohdimaha Puntland..
Ergooyin ka socda deegaanno hoostaga Puntland ayaa ku sugan magaalada Cadaado, kuwaasoo doonayay inay ka qeyb galaan shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galagaduud.
Odayaasha gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa dhawaan soo jeediyay in la dar-dar geliyo shirka, si uu u noqdo mid mira dhal ah oo ay ku mideysan yihiin dadka dega labada gobol.