Wararka naga soo gaaraya Degaanka Hararlugey ee Dagmada Jalalaqsi Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ay halkaasi iskaga baxeen.
Goobjoogeyaal ayaa Radio Hiiraanweyn u sheegay in Ciidamada AMISOM ay Faarujiyeen Degaanka,iyadoo aan la ogeyn Sababta.
Wax yar kadib Bixitaanka Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa Degaanka waxaa la wareegay Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Ciidamada AMISOM ayaa inta lagu guda jiray Bishaan waxaa ay ka baxeen Degaano Muhiim ah oo ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM waxaa ay horay u sheegtay in Sababtu ay tahay Xeelad Dagaal,balse aysan jirin Cabsi ay ka qabaan Weeraro uga yimaada Al-shabaab.