Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaan hoos taga degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud, iyadoo dagaalkan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yimid kaddib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab ay waddada u galeen kolonyo gaadiidka ah oo ay wateen ciidan ka tirsan kuwa AMISOM oo ka socda Itoobiya.
Taliyaha ciidamada dowladda ee Galgaduud, Maxamed Kaariye ayaa sheegay in ciidamada oo wada-socda ay wadada u galeen koox Al-shabaab ka mid ah, isla markaana ay khasaare u geysteen.
“Dagaalka wuxuu ka dhacay deegaan ay ciidamada ay marayeen, waxaana soo weeraray nabad-diidka, khasaare ayaa u geysanayay, baabuurna waa ka qabanay,” ayuu yiri taliyaha oo aan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.
Al-shabaab ayaa horay u go’doomiyay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, gaar ahaan degmada Ceelbuur oo horay ay ula wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM, iyagoo waddooyinka u gala ciidamada xilliyada ay deegaannada isaga gooshayaan.