Faransiiska ayaa sheegtay in duqeyntii u horeysay ay ku qaaday gudaha Suuriya, iyadoo howl galkan u qeyb ka yahay dagaalka ka dhan ah Kooxda Daacish.
Diyaaradaha dagaalka Faransiiska ayaa duqeymo la eegtay goobo ay ku sugnaayeen Daacish, waxaana tani lagu sheegay inay qeyb ka tahay howl galada ka dhanka ah Daacish.
War ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Faransiiska ayaa lagu sheegay in bartilmaameedyo horay u cayinteen oo ku yaala Suuriya.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay in mar kasta oo khatar argagixiso uu soo wajaho Qaranka ay duqeymo la eeganayaan Daacish.
Faransiiska ayaa horay ugu biiray xulafada uu Mareykanka hogaaminayay ee duqeymaha ka waday dalka Ciraaq.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa horaantii bishan sheegay inuu diyaarinayo sidii uu diyaarado ugu diri lahaa Suuriya, si ay uga hortagaan qatarta Suuriga uga imaaneysa.
Boqolaal dagaalyahano u dhashay Faransiiska ayaa ka bar bar dagaalamay dowladda Islaamiga ee fadhigooda yahay Ciraaq iyo Suuriya.