Gaari ayaa intuu kor u duulay kaga soo dhacay saqafka sare guri ku yaal magaalada Durban ee Koonfur Afrika.
Darawalka ayaa sheegay in gaariga uu dalacad ku waday, taasi oo keentay inuu ku dhaco guri ku yaal magaalada Kwamakhutha. Qof jiifay qol ku dheggan halka uu gaariga ku dhacay iyo darawalka ayaa la sheegay inaysan wax dhaawac ah soo gaarin.
Dhimashada shilalka wadooyinka ayaa ku badan Koonfur Afrika, taasi oo badi ka timaada si xun oo loo wado gawaarida iyo alkolka oo qalad loo isticmaalo.