spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGalmudug oo Eedeysay Puntland & Puntland oo ka Jawaabtay
Array

Galmudug oo Eedeysay Puntland & Puntland oo ka Jawaabtay

Maamulka Galmudug ayaa Eedeyn dusha kaga tuuray Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland,taas oo ku Aadan in Puntland ay dhibaato ka dhax wado Degaanada Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo la hadlay Idaacada BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu Hubeynayo Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaashi Carabeey ayaa sheegay in Arrintaasi ay Cadeymo u hayaan oo ah in Ahlusunna ay Hubeyso Puntland.

Dhanka kale wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocade oo dhankiisa la hadlay BBC ayaa beeniyay Eeda uga timid Maamulka Galmudug ee ah in Ahlusunna ay Puntland Hubeyso.

Maxamuud Xasan Soocade ayaa Tilmaamay in Puntland aysan ka suurto galin Hubeynta Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Dhexe,balse ay diidan tahay oo kaliya Maamulka Galmudug ee Gacan ku Rimiska ah sida uu yiri.

“Puntland marnaba kama suurowdo in ay Hubka iskugu dhiibto Ummadda Soomaaliyeed  meelkasta ee ay joogaan,laakiin ma jirto Maamul Galmudug la yirado oo ka jira Gobolada Dhexe”ayuu yiri Soocade.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular