spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGanacsato Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika
Array

Ganacsato Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

24-Saac ee ugu danbeeyay ayaa magalada East london ee gobolka eastern cape ee dalka koonfur afrika waxa lagu dilay labo ganacsato soomaali ah kuwa burcad hubeeysan ay ku togteen goobo ganacsi oo kala duwan oo ay ku kala suganayeen,
Alla ha u naxariiste Ganacsade Abdi Aamir  Tawane Iyo Aadan AbdiWahaab oo ahaa daaci diinta faafiya kana mid ah dalada culimada al bayaan oo mashaaikhda soomaalida ku kulansanyihiin ayaa lagu kala dilay magalada East london iyago ku guda jira howlahooda shaqo joognay goobahooda ganacsi waxaana dilkooda loo adeegsaday rasaas ay burcad ku fureen goobahooda ganacsi oo ay jogeen iyado burcada hubeeysan ay ujeedadooda aheyd inay dhacaan ganacsiga markii ay dilalka geeysteen ay isaga baxsadeen,
Ciidama ka tirsan police-ka oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa bilaabay markiiba baaritaan ku aadan qaabka ay dilalkan u dhacaan iyago sheegay in ay ku
 raadjoogaan burcada caadeeysatay dilalka ajaanibta gaar ahaan soomaalida ganacsiyada ku leh degaanada isku raranka ah ,
Magalada  East london ayaa waxay kamid tahay magalooyinka soomaalida ganacsiyada xoogan ay ku leeyihiin inkasto ganacsigooda u badanyahay kuwa ku yaala miiga ayaa haatan ganacsatada soomaalida waxa so wajahay cabsi aad u xoogan madamada dilal is daba joog ah ay ka dhaceen magaladaasi ,
Dalka K/Afrika ayaa sanad walba waxa ka dhaca gabood fala ka dhan ah aadanaha iyado inta badan la beegsada ajaanibta oo soomaalida ugu horeeyso waxa jira dilal aan xal lo helin oo soomaalida loogu geeysto iyo sido kale boob loo geeysto ganaciyada soomaalida ,
Omar Kiyow
Joohannesburg
K/Afrika
MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular