Wasiirka Ganacsiga ee Giriigga ayaa Warbaahinta u sheegay in xukuumadda Giriiggu ay sii wadi doonto in ay xal u raadiso dhibaatada deynta ee haysata, inkastoo dowladaha deynta siiyay ay diiddan yihiin codsiga lagu dheeraynayo barnaamijka lagu badbaadinayo dhaqaalaha Athens.
Giriiggu wuxuu noqday waddankii ugu horreeyay ee leh dhaqaale horumaray oo uu deyn ku yeesho Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagaha.
Wuxuu ku guuldareystay in uu IMF dib ugu celiyo 1.6 bilyan oo Yuuro.
Hase yeeshee Giorgos Stathakis ayaa sheegay in inkastoo la diiday qorshaha Athens, haddana ay weli socdaan wadahadalada xalka loogu raadinayo dhibaatada.
Wuxuu intaa ku daray in wadaxaajoodyada ay mar dhaw dib u bilaaban doonaan, uuna ku kalsoon yahay natiijada ka soo bixi doonta aftida la qabanayo maalinta Axadda ah, taasi oo ku aaddan haddii uu dalkaasi aqbalayo qorshayaasha ay soo bandhigeen hay’adaha ammaahda siiyay.