spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGolaha Guurtida Somaliland oo Guddi u Magacaabay Waqti Kordhinta Xukuumadda iyo Walaaca...
Array

Golaha Guurtida Somaliland oo Guddi u Magacaabay Waqti Kordhinta Xukuumadda iyo Walaaca Xisbiyada

Golaha Guurtida oo maanta laga filayay inay xilli kordhin u sameeyaan Xukuumadda Somaliland ayaa dib u dhigtay kaddib markii guddi kasoo talo-bixiya ya iska dhex-magacaabeen.

Guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Kalfadhigii golah Guurtida kaga dhawaaqay guddi uu sheegay inay ka soo tallo bixiyaan muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda.

Guddidaasi oo ka kooban shan iyo labaatan xubnood oo ay ku jiraan saddexda xubnood ee shirgudoonka iyo xogyaha guud, halka inta kale xildhibaanadda golaha ka kooban yihiin.

“Fadhi uu yeeshay Sihr-guddoonka Golah Guurtiddu 30/04/2015 kagana hadlay xubnihii loo magacaabi laha Guddi ahaan Muddo kordhinta Xukuumadda ee Golah hortaal, si ay Golahu ugu soo jeediyaan tallo ahaan waqtiga ku habboon ee laga dhigi karo Muddo kordhintaasi, ka dibna u Goluhu ku Go`aan qaadan-doono, ayaa lagu magacaabay Xubnahani “ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Saleebaan Maxamuud.

1. Sulaymaan Maxamuud Aadan            Guddoomiyaha Golaha.
2. Siciid Jamac Cali                             Gudd ku-xigeenka 1aad ee Golaha.
3. C/raxmaan Sheekh Yuusuf Sh.          Gudd ku-xigeenka 2aad ee Golaha.
4. Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan       Xubin
5. Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf                 Xubin
6. C/qaadir Maxamed Xasan                   Xubin
7. Siciid Xuseen Huruuse                       Xubin
8. Mamduux Cusmaan Sheekh                 Xubin
9. C/qaadir Aw Xuseen Mire                     Xubin
10. Xasan Sh. Axamed Sh. Nuux             Xubin
11. Cabdi C/laahi Xasan                          Xubin
12. Siciid C/laahi Yaasir                           Xubin
13.Axmed Daahir Maxamuud                   Xubin
14. Cawil Xuseen Axmed                        Xubin
15. Farxaan Ciise Ubaxle                       Xubin
16. Cawil C/laahi Caydiid                         Xubin
17. Axmed Nuur Aw Cali Aadan               Xubin
18. Suldaan Isamaacil C/raxman             Xubin
19. C/raxmaan Qawdhan Muxumed         Xubin
20. Xuseen Madar Xoosh                         Xubin
21. Caydiid Cabdi Maxamed                     Xubin
22. Nuur Rayaale Khayre                         Xubin
23. Xasan Cumar Axmed                         Xubin
24. Dayib Xasan Axmed Faarax               Xubin
25. Maxamed Jamac Abokor                     Xubin
26. Xirsi Ciise Jaamac                            Xubin
27. C/raxmaan Axmed Araaye                 Xubin
28. Maxamed Shire Faarax                       Xubin
29. C/laahi Ibraahim Habane                Xoghayaha Golaha – Xoghayn

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaradka iyo dadweynaha intooda badan ayaa walaac weyn ka qaba in golaha Guurtiddu kordhinayo wakhti ka badan inta guddida Doorashooyinku soo jeediyeen, taas oo ka hor imanaysa waxay xisbiyaddu ku heshiiyeen, maadaama oo guddida Doorashooyinku sameeyeen jadwalkii ay doorashadda ku qabanayaan oo ay xuseen in muddo sanad ah ku qabanayaan, taas oo golaha Guurtidduna loo baahan yahay inay ku saleeyaan mudadaasi komishanka doorashooyinku qabsadeen, haseyeeshee warar hoose tibaaxayaan in guurtiddu damacsan tahay in muddo laba sano ah loo kordhiyo xukuumadda taas oo ka hor imanaysa jadwalka komishanka Doorashooyinka soo saareen.

Dareenka dadweynaha iyo xisbiyadda mucaaradku ka qabaan in golaha Guurtidu damacsan yihiin inay inay xukuumadda wakhti ka badan intii komishanka doorashooyinku cayimeen ayaa isa soo taraya, taas ayaa keentay in aanay maanta ku deg degin muddo kordhin horseedi karta khilaaf horleh, isla markaana talladda badsato si aanay khilaaf u horseedin, haseyeshee waxa la dhowrayaa guddidan cusubi waxay soo jeedin doonto ama ku talin doonto.

Maalmihii u dambeeyey ayaa golaha Guurtidda waxa cambaareen iyo dhaliil loogu soo jeedinayey in aanay kordhin wakhti ka badan ta guddida Doorashooyinku cayimeen, taasina waa ta keentay in dib loo dhigo wakhtiga lagu dhowaaqayo muddo kordhinta.

golaha Guurtidda

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular