spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGuddiga Badbaadinta Qaxootiga Yemen oo Codsaday in la bixiyo Lacagtii la yabooha
Array

Guddiga Badbaadinta Qaxootiga Yemen oo Codsaday in la bixiyo Lacagtii la yabooha

iyadoo uu jiro Guddi ka kooban Ururada Bulshada Rayidkaa oo u istaagay Gacan qabashada iyo soo badbaadinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dagaaladu ay ku haystaan Wadanka Yemen ayaa waxaa Guddigu uu ka hadlay Xaalada hada halka ay mareeyso.

Guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta iyo Samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Lacagta ay hada hayaan aysan wax u qaban karin Qaxootigii Yemen ka soo Cararay ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Kale ee lamid ka ah.

Sheikh Nuur Baaruud ayaa intaa ku daray in waxa ay ahyaan ay u Qorsheeyeen in lagu soo samata bixiyo Soomaalida wali ku Go’doonsan Wadanka Yemen oo Dalkooda dib loogu soo celiyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay jiraan Dad badan oo ku Yaboohay Lacago islamarkaana aan dhiibin Lacagtaasi,waxaana uu Codsaday in ay bixiyaan Lacagihii ay ku yabooheen si Dadka loogu talo galay wax loogu qabto.

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular