spot_img
Warning: Array to string conversion in /customers/4/b/b/hiiraanweyn.net/httpd.www/wp-includes/shortcodes.php on line 355
HomeGuddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dib u dhigay xuska maalinta Olympikada Aduunka
Array

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo dib u dhigay xuska maalinta Olympikada Aduunka

War qoraal oo ka soo baxay xafiiska xoghaynta GOS ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigay xuska Maalinta Olmypic day oo ku astaysan maanta 23 june.

Maanta oo kale 1894 ayaa maagalada Paris ee dalka faransiiiska lagu aasaasay hey’ada Olombidka Aduuunka IOC, waxaana sanad kasta dalalka caalamlka ee ku midaysan IOC oo ay Soomaaliya ka mid tahay ay qabtaan ciyaaro lagu xusayo maalintyaas.

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa sida ku astaysan  Maalintaas ciyaaro kala duwan ku qabta caasimada dalka, si loo waynayno maalintaas qiimaha leh waxaana ka qayb qaata xiriirada hoos yimaada GOS.

Maadaama ay sanadkan munaasabada ku soo aaday bisha Ramadaan waxay GOS xiriir la samaysay Xiriirka Olombikad Aduunka  (IOC)  waxayna iyada oo la xurmaynayo bishan GOS iyo  IOC ay  isla garteen in 23 july ee bisha soo socota laga dhigo xuska Maalintaan.

Xuska maalintan ayay guddiga Olombiakda Soomaaliyeed ee GOS u qabtaan ciyaaro kala duwan oo ay qayb ka yihiin ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka waxaa sanadkan la filayaa in xaflad balaaran lagu qabto caasimada dalka ee Muqdisho.

Waa marki ugu horeysay oo GOS ay dib u dhigaan munaasabada xuska Maalinta Olombikada Aduunkan 23 June  waxayga sabab looga dhigay  xurmaynta bisha barakaysan ee Ramadaan.

Olympic-day somalia

MUQAALADA

WARARKII UGU DANBEEYAY

Most Popular